4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
(Aqriso) Wasaaradda Amaniga oo soo saartay Amaro cusub oo lagula dagaalamayo Al Shabaab

 
Axad, July, 23,2017 (HOL)–Shirkii xalay ay ka qeyb-galeen Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar  Islow Ducaale, taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliiska ayaa waxaa laga soo saaray amaro cusub oo lagula dagaalamo Al Shabaab.

Wasiirka Amniga  ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda argagaxisada sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya.

Waxaa kamid ahaa qodobada la soo saaray,

1: in aan la aqbalidoonin in lacago la siyo Alshabaab taasi oo ay ugu yeeraan taakuleynta mujaahidiinta iyo sakawaad.

2: cidkasta oo alshabaab lacag siiso in talaabo laga qaado,lamina aqbalayo in mar marsiyo laga dhigto handadaad.

3: Ganacsatadu waxaa looga digayaa in ay taageeraan Alshabaab oo ay lacago siyaan.

4: Cidii Alshabaab u aqoonsata maamul jira talaabo ayaa laga qaadayaa.

5: xawaaladaha dalka kajira Alshabaab lacago uma keydin karaan, lacagna uma dirikaraan.

6: shirkadaha xawaaladaha uma fududeyn karaan adeegyada kaladuwan ee isgaarsiinta.

7:Caawa laga bilaabo ninkii ganacsade ah oo aado deegaano Al-Shabaab maamulaan sida Toora Toorow iyo deegaano kale lacagna u geeya SHabaab waa la xerayaa, hantidiisana Dowladda ayaa la wareegaysaa.

8: cidkasta oo go’aamadan ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa, cid looga aaba yeelaayana majirto.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia