4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2017
Dowladda oo ballaarisay dagaalka ka dhanka Al Shabaab iyo “ Amaro” cusub oo lasoo saaray

 
Axad, July, 23,2017 (HOL)–Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in ay dambi tahay nooc kasta oo taageera ah oo la siiyo Al Shabaab,  sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah, sida hadalka uu u dhigay.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay shir uu ka qeyb-galay isaga iyo taliyeyaasha Nabad-Sugidda iyo Booliiska iyo qaar kamid ah golaha wasiirada waxaana kulankaasi xalay lagu qabtay magaalladda Muqdishu.

“Waxaa tallaabo sharci ah laga qaadayaa qof kasta oo ururada Aragixisada u aqoonsata maamul jira, sida in ay u xukun tagaan, waan ognahay dad badan ayaa u xukun taga, arrintaasi waa mamnuuc”, ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in mamnuuc ay tahay in shirkadaha isgaarsiinta ay howllo isgaarsiineeyd ay u fududeeyaan Al Shabaab, sida lacagaha la iskugu diro talleefoonada.

Dhinaca kale Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay urrurada argagaxisada ah ay soo galaan sida kuwa Al-shabaab soo gala, kuwaas oo loogu yeero magacyo kala duwan,  sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo kuwo kale.

“Waxaan ka war qabnaa baadaas ka sakow, in ganacsato iyo maal qabeeno Soomaaliyeed ilaa xad ku ay qanacsan fakarka Al-shabaab in ay jiraan, ganacsato iyo dadka kale oo hanti leh in ay si sahlan u taakuleeyaan,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in laamaha amniga ee dalka ay diyaar u yihiin cidii awaamiirtan jabisa in ay sharciga hor geeyaan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia