4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Dagaal labo beelood ku dhaxmaray deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

 

Sabti, July, 22, 2017 (HOL) - Illaa todoba qof ayaa ku geeriyooday in ka badan labaatan qofna way ku dhaawacmeen dagaal laba beelood ku dhexmaray deegaanka Dararweyne ee degmadda Ceel af weyn ee gobolka Sanaag.

Labadda beelood oo isku deegaan ah ayaa dagaal qabiil isku laayey, waxaana u gurmaday ciidamada Militariga ee deegaankaasi kuwaas oo ciidamo kala dhex dhigay.

“Dagaaladda hadda ka socda deegaankaasi waxa ku dhintay toddoba qof, labaatan qofna way ku dhaawacmeen, waxaana leeyahay waar dagaalka joojiya, dagaal wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiyaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in 11 xidlhibaan oo guurtidda ah u diri doonno dagaalkaasi si ay u joojiyaan dagaalkaasi,isla markaana labadda dhinac iskugu keeni lahaayeen.

Xukuumadda, golaha Guurtiydda iyo saddexda xisbi qaran ayaa baaqyo nabadeed u diray labadda beelood ee dagaalku ku dhex maray deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag, waxaan ay u soo jeediyeen inay nabadda ka door bidaan dagaalka.

Dagaaladda beelaha ayaa soo noq noqda, waxaana inta badan dirirtu ka dhex dhacaan beelaha ood-wadaagta ah ee deriska ah, kuwaas oo inta badan dagaalka ka qarxo ceelasha biyaha iyo dhul daaqsimeedka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland