4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2017
Khilaaf ka dhashay shaqa joojin lagu sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Sheekh Maxamed Nuur iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Md Cabdullahi Faarax Wehliye ayaa si wada jir ah uga horyimid shaqa joojin lagu sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

Wasiiru-dowlaha ayaa yiri “Xil ka qaadis iyo magacaabista xoghaye joogto, waxaa ay u baahantahay in la marsiiyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kadibna laga ansixiyo Golaha Wasiiradda laguna soo saaro Degreeto Madaxweyne”. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa, ayaa maanta shaqada ka joojiyay Xoghayihii Joogtada, waxaana shaqa joojinta uu ku sababeeyay wada shaqeyn xumo ka timid dhanka Xoghayihii joogtada.

Halkan ka aqriso warka ay soo saareen Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiiru-Dowlaha:

 

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha wali kama aysan hadlin khilaafka soo ifbaxay eek u aadan shaqo joojinta lagu sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia