4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Maxaabiis laga soo daayay xabsiyo ku yaalla dalka Itoobiya oo maanta laga soo dejiyay Muqdisho

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Maanta waxaa garoonka diyuuradaha Aadan-cadde ee magaalladda Muqdisho laga soo dejiyay 114 xubnood oo kamid ahaa maxaabiistii Soomaalida aheyd ee ku xirneyd xabsiyada dalka itoobiya.

Maxaabiistan lasoo daayay waxaa safarkooda ku wehlinayay Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya fadhiya Max’ed Cali Nuur iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya jooga Jamaaluddiin Mustafa.

Waxaa garoonka diyuuradaha kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, xildhibaanno iyo qaar kamid ah ehelada dadkan lasoo daayay.

“Waxaan dowladda ku amaanayaa sida ay noogu naxariisatay, waxaan Alle ka baryayaa in dowladda awood leh uu nasiiyo", mid kamid ah dhallinyaradii maanta garoonka laga soo dejiyay ayaa Hiiraan Online u sheegay.

Waxaa wali ku harsan dalkaasi 6 kamid ah maxaabiista la ogolaaaday in ay xorriyaddooda dib u helaan kuwaas oo la sheegay in dhawaantan ay iyaguna dalka soo gaari doonaan. 
Horaantii bishii Luulyo ee sanadkan Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay u ballanqaadday inay ku wareejinayso maxaabiis Soomaali ah oo 120 ka badan, kuwaasoo dalkeeda ku xirnaa, loona haystay dambiyo kala duwan.

Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hadalkaasi sheegay xili uu ku sugnaa magaalladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana uu cadeeyay in ay ku guuleeysteen in Itoobiya ay ka soo daayaan 120 maxaabiis Soomaaliyeed ah.

‘’Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia