4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2017
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hor yimid go’aan ay horay u gaartay maxkamada sare


Sabti, July, 22, 2017 (HOL) - Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho waxaa ay ku diideen go’aan horay uga soo baxay maxkamada sare ee dalka oo ahaa in dib loogu laabto doorashada saddeed kursi oo khilaaf uu ka jiro.

Mudanayaasha baarlamaanka ee maanta fadhiga yeeshay ayaa difaacay xubnaha 8da xildhibaan ee kuraastooda muranka la geliyay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay si caadi ah uga qeyb galayay fadhiyad Baarlamaanka.

184 Xildhibaan ayaa ka soo horjeesatay go’aankii maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee doorashadooda lagu tilmaamay mid sharci darro ah.

Sidoo kale xildhibaannada baarlamaanka ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan xil heynta xubnaha Baarlamaanka iyo buuxinta kuraasta Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay shan qodob oo qofka xildhibaanka ah ku waayi karo xubnimadiisa Baarlamaanka.

Magacyada siddeeda xildhibaan ee maxkamada sare ay go'aanka ka soo saartay ayaa kala ah, Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir, Maxamed Saciid Cabdullahi, Maxamed Axmed Abdtidoon, Nadiif Aadan Isaaq, Muna Khalif Sheekh Abu,  Cabdicasiis Saalax Carmaan, Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale, Samra Ibrahim Cumar

Kuraastan ayaa marar badan oo hore waxaa sidan oo kale go’aan uga soo saaray guddigii xalinta khilaafaadka doorashada xildhibaannada baarlamaanka, inkastoo dhamaan go’aamadaasi noqdeen kuwo aan shaqeyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]