4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Soomaalilnd oo xustay 130 sanno ka hor wakhtigii Khariirada aduunka lagu daray

 

Sabti, 22, 2017 (HOL)- Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ayaa xus u samaysay boqol iyo sodan sanno ka hor wakhtigii lagu daray Maabka Adduunka ka hor intii aanay Soomaaliya ka mid noqon.

Muddada Khariirradda Somaliland ka mid ahayd Maamka Dunida ayaa laga jaray Soddon sannadood waxaana laga soo taariikheeyay 1887 markii Maxmiyadda Ingiriisku timid Somaliland.

Madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibada, hawl wadeennada wasaaradda, siyaasiyiin iyo aqoon yahanno ayaa qayb galay xuskan loo sameeyay boqolka sanno eek a soo wareegay intii Somaliland jirtay ama taariikhda dawladnimada lahayd.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland taariikh fac weyn leedahay laakiin, taariikhdeeda cusub soo bilaamatay markii ay ka mid noqotay xuduudaha caalamiga ah ee dunida “ Taariikhda cusub waxay soo bilaamatay 20-July-1887. Waxa caawa laga jooga 130 sannadood maalintaas oo aynu rasmi uga mid noqonay maxmiyadihii Ingiriiska. Laga bilaabo maalintaas Somaliland waxay ku lahayd maamka dunida bogcad u gaar ah oo dal gaar ah ayay ahayd,” sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

“Maalintaas waxa ka soo wareegay 130 sanno oo buuro ah laakiin, caawa xussi mayno 130-ka sannadood, waxaynu xusayna boqol guuro(100 sanno guuro) waayo 30 sannadood ayaynaan maam inoo gaar ah ku lahayn caalamka, waxaynu ka mid ahayn Maamka Soomaaliya, boqolka sanno ee kale gooni baynu u taagnayn oo maamka caalamka ugu taallay Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu sheegay in bulshada Somaliland xamaasad badan haysay markii 1960-kii xorriyadda ka heleen Ingiriiska, islamarkaana doonayeen in la isu keeno shanta Soomaalida oo noqota Waddan cudud leh oo lagu tashado marka Geeska Afrika la joogo kaas oo muwaadiniintu u wada siman yihiin una horseeda barwaaqo “Nasiib darro 30-kii sannadood ee aynu qaybta ka ahayn Soomaaliya hammigeenii iyo himiladeenii may xaqiiqoobin; halkii aynu ka filaynay horusocod, barwaaqo, caddaalad iyo sinnaan waxa inagu dhacay caddaadis, takoor, dil, dhac iyo burbur runtii dadkeenu u adkaysan waayeen oo ka dhiidhiyeen horraantii sideetamaadkii, halgankaas oo ku dhammaaday xasuuqa iyo burburinta hantideenii iyo magaalooyinkeenii markii dambena aynu ka xorownay; 1991-kii markii la isugu yimid shirkii Burco ayay dadkeenu isla garteen in aanay arrintaasi ina anfacayn ee aynu la soo noqono xorriyaddeenii aynu iska dhiibnay 1960 inaga oo xor ah, maalintaas ayay inoo bilaamatay taariikhda cusub ee aynu maamka ku naalo,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibadda md Kaysar Cabdilaahi Axmed, Wasiirru-dawlaha Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Mixile Boqore, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan, Aqoonyahan Dr Xuseen Bulxan ayaa dhamaantood ka hadlay xuskan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.