4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay deegaanka Adhicadeeye


Sabti, July, 22, 2017 (HOL) – Hal qof ayaa dhintay 19 kalena waa dhaawacmeen kaddib markii miino ay garaaceen carruur ku  nool duleedka Adhicadeeye xero  barakacayaal.

Goobjoogayaal ku  sugnaa xeradan oo Adhicadeeye 1800 oo talaabo u jirta ayaa HOL u sheegeen in gabdha dhimatay ay walaxahan wadwadey, halka  dadka kale oo carruur isku qoys ah u badnaana ay ka agdhowaayeen.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sool Khaliif Maxaed Cali oo goobta soo  gaadhey ayaa sheegay in ay tani qayb ka tahay hadhaadiga hub ee  ku aasan dhulka oo dhibaato ku  haya bulshada.

Hay'adaha Hello trust iyo DDG oo labaduba waxyaabaha qaraxa sababa la dagaalama ayaa sheegay in ay baadhayaan waxyaabaha uu qaraxani ka soo jeedo, ayna soo bandhigi doonaan.

Waa qaraxii labaad ee bishan ka dhaca gobolka taas oo walaac weyn ku beertay bulshada khaasatan dadka reer guuraaga ah,waxaana.

Seynab Cabdi Warsame

Seynab@hiiraan

Laascaanood G. Sool