4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Maxaabiis Soomaali ah oo ku xirneyd dalka Itoobiya oo lagu wado in maanta la keeno Muqdishu

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Hiiraan Online u sheegay in maanta lagu wado in garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu laga soo dejiyo in ka badan 100 ruux oo xabsiyo ku yaalla dalka Itoobiya ku xirnaa.

Shalay oo Jimco aheyd ayaa lagu waday in maxaabiista laga soo dejiyo Garoonka Aadan Cadde, hayeeshe dib u dhac ayaa ku yimid, sida ilo wareedyada ay u sheegeen Hiiraan Online.

Horaantii bishii Luulyo ee sanadkan Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay u ballanqaadday inay ku wareejinayso maxaabiis Soomaali ah oo 120 ka badan, kuwaasoo dalkeeda ku xirnaa, loona haystay dambiyo kala duwan.

Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hadalkaasi sheegay xili uu ku sugnaa magaalladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana uu cadeeyay in ay ku guuleeysteen in Itoobiya ay ka soo daayaan 120 maxaabiis Soomaaliyeed ah.

‘’Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Maxaabiistan lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa waxaa ku jiray wariyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Boqorka Bartamaha oo muddo dheer xabsiga ku jiray.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia