4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shaqada laga joojiyay

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa, ayaa maanta shaqada ka joojiyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Pro Yaxye Cali Ibraahim.

Shaqo ka joojinta lagu sameeyay Xoghayaha ayaa waxaa uu wasiirku ku sababeeyay wada shaqeyn xumo ka timid dhanka Xoghayihii joogtada, sida warka lagu sheegay.

Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxaa, ayaa xilka xoghayaha waxaa uu si ku-meel gaar ah ugu magacaabay nin magaciisa lagu sheegay C/laahi Maxamuud Xasan.

Yaxye Cali Ibraahim, ayaa waxaa lagu xasuustaa dhismihii maamul gobolleedyada dalka Soomaaliya, xiligii dowladdii Maxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Wasiirka halkan ka aqriso:-


Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia