4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Afhayeenka Aqalka Cad ee dalka Mareykanka oo is casilay

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka, Sean Spicer ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay xalay.

Sean Spicer , ayaa la sheegay inuu ka biya diiday isku shaandheyn lagu sameeyay kooxda warfaafinta ee uu madaxa u ahaa.

Sarah Huckabee Sanders, oo ahaa ku-xigeenkiisa ayaa bedeli doono, waxaana la sheegay in uu shaqada sii wadi doono, sida lagu sheegay war kasoo baxay Aqalka Cad.

“Sharaf ayeey ii tahay in aan lasoo shaqeeyay maamulkii Obama iyo Donald Trump, waana lasii shaqeyn doonaa dalkeyga”, sidaasi ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray.

Spicer ayaa todobaadyadii dambe qolka wararka ee Aqalka Cad ka mamnuucay kaamarooyinka telefishinnada.

Isku shaandheynta ayaa kusoo beegmaysa xilli mas'uuliyiin ka tirsan Aqalka Cad ay wajahayaan baaritaan ku aaddan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia