4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Pope Francis oo € 25 kun oo Pound ugu deeqay dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku nool Bariga Africa

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Baaderi weynaha kaniisadda madhabta Catholic ee Pope Francis ayaa € 25 kun oo pound ugu deeqay dadaalka “Ururka Cuntada iyo Beeraha” Qaramada Midoobay ee FAO uu ku taageerayo dadka ay soo foodsaartay macluusha iyo cunno yarida ee ku nool Bariga Africa.

Qiyaastii 16 milyan oo qof oo ku nool wadamada Bariga Africa sida Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Tanzania iyo Uganda, ayaa u baahan kaalmooyin bani’aadanimo, sida Ururka FAO uu sheegay.

21-kii bishan July, madhabta Catholic, ayaa tallaabo aan la fileyn qaaday, kadib markii FAO ay si lama filaan ah ay ugu deeqday lacag la doonayo in lagu caawiyo dadka ay soo wajaheen macluusha iyo cunno yarida ee ku nool Bariga Africa.

Bishii January ee sanadkan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda abaarta Soomaaliya ay meel xun marayso, ka dib markii ay curan waayeen roobabkii gu'ga iyo deyrta ee la filayay sanadkii tegay.

Abaarta ayaa dhalisay in ay sare u kacaan qiimaha lagu kala iibsado biyaha iyo cuntada, sida uu sheegay Peter de Clercq, oo ah isu-duwaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani'aadannimada ee Soomaaliya.

Peter de Clercq oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay kasii dari karto, maadaama hadda uu bilowday xilliga jiilaalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia