4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Koox Daacish loo maleynayo oo gobolka Bari ku dilay qof ka tirsanaa shaqaallaha shirkadda Golis

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Koox hubeysan oo lagu tuhmayo inay ka tirsanyihiiin dagaalyahannada Daacish ayaa habeenkii khamiista qof ku dilay degmada Balli-Daggan ee gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkaasi uu ka tirsanaa shaqaallaha shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee deegaankaasi.

Warka ku saabsan dilka ayaa waxaa uu soo ifbaxay shalay gelinkii dambe.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka degaanka ay dilkaasi ku tuhmayaan kooxda Daacish.

Maruumka la dilay ayaa waxaa magiciisa lagu sheegay Mahad Maxamed Aadan, waxaana dilkiisa ka dambeeyay afar nin oo hubeysnaa, sida dadka degaanka ay sheegeen.

“Kooxda dilka geysatay ayaa ahaa kuwo wajiga soo dabooshay, waxaana loo maleynayaan in ay ka tirsanyihiin kooxda Daacish”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Dhinaca kale Bishii June ee sanadkan Ciidmada Puntland ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay mid ka mid ah Ururka Daacish ee ku sugan buuralayada Bari.

Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Horseed Axmed Maxamuud Yuusf ayaa sheegay in ninkan uu isaga qirtay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ninkan uu kasoo jeedo gobolka Baay.

Kooxda Daacish ayaa degaanno ka mid ah Buuraleyda Puntland ku leh saldhigyo ciidan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia