4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Warbixin: Imisa qof ayaa ku dhimatay dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka Xeraale?

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen dagaaladii dhawaan ka dhacay degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Dadka dhaawacmay ayaa la kala geeyey magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.

Dagaalka ayaa salka ku haya xiisad todobaadyadii u dambeeyey ka taagnayd deegaanka Xeraale oo u dhaxaysay maamulka Ahlusunna wal Jamaaca oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobollada dhexe iyo miliishiyo aan doonayn inay maamulka ka tirsanaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka taagan deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.

“Waxaa saacadihii lasoo dhaafay agagaarka degaanka Xeraale ka dhacay colaad iyo dagaallo, waa arrin fool xun, waa nasiib darro, wax loo dulqaadan karana ma ahan,  waa in si dhaqsi ah loo joojiyaa colaadaasi.”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Farmaajo waxaa uu tacsi u diray dadkii ku geeryooday colaada waxaana kuwii ku dhaawacmay uu Alle uga baryay in ay caafimaadaan.

“Dowladda uma dulqaadan karto in colaadaasi ay socoto, goobaha colaadaasi ay ka dhacday waxaan u diri doonaa guddi xaqiiqa raadin ah, kuwaas oo soo baari doona sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalka”, ayuu hadalkiisi sii raaciyay.

 
Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka  labaad  ee  Golaha  Shacabka Soomaaliya  Mahad  Cabdalle Cawad  ayaa  ku  baaqay  in  la  joojiyo Dagaalka Deegaanka Xeeraale  ee  Gobolka Galguduud, waxaanua   tilmaamay  inaan  loo  dulqaadan  karin  Dagaalka uu  ku  daadanaayo Dhiiga Dadka walaalaha ah.

Mahad  Cabdalle Cawad Guddoomiye ku -xigeenka  labaad  ee  Golaha Shacabka  ayaa sheegay in colaada ka soo cusboonaatay Xeraale ay aad uga xuntahay dowladda Soomaaliya.

Maamulka Galmudug- ayaa dagaalladan ku eedeyay in ay ka danbeeyaan ururka Ahlu -Sunna Wal-Jamaaca ee ka taliya Dhuusa-mareeb.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia