4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Kismaayo

 
Sabti, July, 22,2017 (HOL)–Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano.

Intaa kadib, waxaa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada Jubbaland oo ay salaan ugu tageen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Jubbaland ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

“Waxa aan idinkaga mahadcelinayaa sida Soomaalinimada leh ee aad noogu soo dhaweeyseen Kismaayo, waa wax ay can ku tahay Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa maalmaha soo socda shirar ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la geli doona Madaxweynaha, Wasaaradda Dastuurka, iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia