4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 22, 2017
Madaxweyne Cosoble- “Waxaan Hirgelineynaa garoomo casri ah oo kubadda cagta lagu ciyaaro”

 

Sabti, July, 22,2017 (HOL)– Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble  iyo Xubno ka tirsan labada gole ee Maamulka ayaa ka qeyb galay islamarkaana daawaday Ciyaar aad u xiisa badneyd oo dhex mareysay Kooxaha Kubada Cagta ee Waaberi iyo Raadeerka oo ah laba kooxood oo kala matalayay laba xaafadood oo ku yaala Magaalada Beledweyne, waxaana garoonka ciyaarta ay ka socotay oo ku yaala Magaalada Beledweyne u soo daawasho tegay Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada.

Dr  Cali Cabdullahi Cosoble ayaa koobka guddoonsiiyay Kabtanka Kooxda Kubadda cagta ee Raadeerka oo ah kooxda qaaday horyaalka Magaalada Beledweyne, iyadoo kaga adkaatay 2-3 Kooxda Waaberi, waxaana tartankani oo waayihii dambe socday wada ciyaaray 20-kooxood oo kala matalayay xaafadaha Magaalada Beledweyne, waxaana soo dhoweeyay in Madaxweyne Cosoble uu ka qeyb galo misana uu dadweynaha la daawado ciyaartaasi qeybaha kale duwan ee Bulshada ku nool Magaalada iyo guud ahaan deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Cali Cabdullahi Cosoble  Oo halkaasi kula hadlay Ciyaartoyda iyo Dadweynihii u soo daawasho tagay Ciyaartaa ayaa sheegay In uu ka faraxsanyahay in uu kala soo qeyb galo ciyaartaasi Finalka eheyd, waxaana uu ku tilmaamay tartanada noocaan oo kale in ay qeyb ka yihiin barnaamijyada isdhex galka bulshada, ayna dar dar galin doonaan misana ay horumarin doonaan Sportiga.

Madaxweyne Cosoble oo sii hadlay ayaa sheegay garoonka lagu ciyaarayay in ay horumarin doonaan oo garoon casri ah ay ka dhigi doonaan oo darjiimo, iyo roog Coos ah lagu qurxin doono, waxaana uu xusay in ciyaartoyda Hirshabelle tababaro lagu horumarinayo isportiga u sameyn doonaan mishaaraadna ay heli doonaan si loo dhiira galiyo Dhalinyarada Kubada Cagta ah, waxaana uu u hambalyeeyay kooxdii Koobkaasi hantisay ee Raadeerka.

Mustaf Hussein
Hiiraan Online