4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2017
Dad ka badan 20 ruux oo ku dhintay dagaal ka dhacay gobollada dhexe

Jimco, July, 21,2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in tiro ka badan 20 ruux ku dhinteen dagaal bilaawday Khamiistii shalay.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la sheegay in la kala dhigay isbitaalo ku yaala degmooyinka Dhuusa-mareeb iyo Caabud-waaq sida sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dagaalka deegaanka Xeraale ayaa la sheegay in uu salka ku hayo xiisad u dhaxeysa maamulka Ahlu Sunna Waljameeca iyo maleeshiyaad doonaya sida la sheegay in ay ka saaraan deegaanka.

Inkastoo dagaallada xoogooda la sheegay in ay istaageen maanta haddana wali waxa jirta cabis ay qabaan dadka deegaanka waxaana wali halkaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa dhinacyadii dagaalamay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in dagaalka deg deg ah loo joojiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]