4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 21, 2017
Farmaajo oo sheegay in guddi xaqiiqa raadin ah loo diri doono degaanka Xeraale oo uu dagaalka ka dhacay

 
Jimco, July, 21, 2017 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka degaanka Xeraale ka dhacay ayaa waxaa uu u dhexeeyaa dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna.

“Waxaa saacadihii lasoo dhaafay agagaarka degaanka Xeraale ka dhacay colaad iyo dagaallo, waa arrin fool xun, waa nasiib darro, wax loo dulqaadan karana ma ahan,  waa in si dhaqsi ah loo joojiyaa colaadaasi.”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Farmaajo waxaa uu tacsi u diray dadkii ku geeryooday colaada waxaana kuwii ku dhaawacmay uu Alle uga baryay in ay caafimaadaan.

“Dowladda uma dulqaadan karto in colaadaasi ay socoto, goobaha colaadaasi ay ka dhacday waxaan u diri doonaa guddi xaqiiqa raadin ah, kuwaas oo soo baari doona sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalka”, ayuu hadalkiisi sii raaciyay.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayeey dhinacyadu isku adeegsadeen hub kala duwan waxaana inta la og-yahay ilaa hadda ku dhintay 10 ruux halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal.

Maamulka Galmudug- ayaa dagaalladan ku eedeyay in ay ka danbeeyaan ururka Ahlu -Sunna Wal-Jamaaca ee ka taliya Dhuusa-mareeb.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayo dagaalka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia