Magaalada Jowhar maamulayaal Iskuul oo xabsiga la dhigay
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee
xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay maamulka 7 Iskuulada oo ku yaala magaalada, kaddib
markii ay tageen deegaan ay maamulaan Al-Shabaab.
Wararku waxaa ay sheegayaan in aamulayaashan
la xiray, xilli ay magaalada ka soo galayeen koontaroolka galbeed ee magaalada
Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in maamulayaasha iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka
hor Al-Shabaab ugu yeereen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka galbeed kaga
beegan magaalada Jowhar, kadibna ay shalay tageen, iyagoo la soo kulmay
saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidamada nabad-sugida ayaa xabsiga dhigay maamulayaashan, waxaana lagu
eedeeyay inay tageen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, iyagoo fulinaya
awaamiirtooda.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa wali ka
hadlin xariga Maamulayaasha Iskuulada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]