4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Guddoomiyaha baarlamaanka oo la kulmay qaar ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha

Sabti, Janaayo, 21, 2017, (HOL) - Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cisman Jawaari ayaa maanta kulan la yeeshay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay ka dalbadeen guddoomiyaha in ay is arkaan.

Prof Jawaari oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in musharixiinta qaarkood xiriir la soo sameeyeen, islamarkaana weydiisteen in ay arkaan, si ay su’aalo uga weydiiyaan arimaha doorashada iyo sida guddoonka uu u maamulayo.

‘’Musharixiin ayaa nala soo xiriiray oo na weydiistay in ay nala kulmaan, iyaga oo rabay in ay na weydiiyaan su’aalo iyo arimo ay daneynayaan oo ku saabsan doorashada, dhowr musharixiinta ka mid ah maanta ayaan qaabilnay, cid kasta oo musharixiinta ka mid ah oo na soo weydiisata in aan is aragno diyaar ayaan u nahay’’ ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Prof, Jawaari ayaa sheegay in dhinacooda balanqaadayaan in ay si siman ugu adeegi doonaan dhamaanba musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha. 

Musharixiinta maanta ay kulameen guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole, Canab Max’ed Daahir iyo xubno kale.

Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Faroole oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya islamarkaana ah musharaxa u taagan xilka madaxweynaha ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Doorashada oo la filayo in la qabto bisha Feberaayo ee sanadkan ayaa waxaa ku taagan tiro ka badan 20 musharax oo qaarkood horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]