4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Sideed ruux oo lagu dilay dagaal habeennimadii Jimcaha ka dhacay degmada Afgooye

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) – Maamulka degmada Afgooye ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal culus oo habeennimadii Jimcaha ku dhaxmaray degmada ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab saddex jiho ka soo weerareen saldhigyada ciidamada dowladda ee degmada ku sugan, kuwaa oo siweyn isaga caabiyay.

‘’Xoogagga Al-shabaab ayaa naga soo weeraray saddex jiho, saldhiga ciidamada booliiska degmada iyo dhinaca wabiga, sidaa daraadeed waxaa halkaa ka qarxay dagaal culus saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in dagaalka lagu dilay labo askari, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay  guddoomiye ku-xigeenka degmada.

‘’Dagaalka waxaa nooga dhintay labo askari siddoo kale waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka degmada Abdullaahi Xassan Cabdi’’ ayuu yiri guddoomye Caalin.

Ugu danbeyntii, weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay Al-shabaab ku qaadaan degmada sanadkan gudihiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]