4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Majaajiliiste Ajakis oo dib loogu soo celiyay Muqdisho kadib markii lagu xiray magaalada Hargeysa

 

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) - Majaajiliste Cabdi Muuriidi Dheere Ajakis ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho kadib markii lagu xiray magaalada Hargeysa oo sida la sheegay uu uga sii gudbi lahaa dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ajakis oo markii uu magaalada Muqdisho ku soo laabtay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maareeyahay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa amray xarigiisa, kadib markii sida uu hadalka u dhigay lagu eedeeyay in uu aflagaado ku geystay madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo.

‘’Markii aan diyaarada ka soo degay jirdil ayaa la ii geystay darbiga ayaa madaxa la iiga dhuftay, maareeyaha garoonka ayaa xarigeyga amray, isaga oo leh sow ma tihin ninkii madaxweynaha aflagaadeynayay, sidaa ayaan xabsiga ku gallay’’ ayuu yiri Cabdi Muriidi Dheere Ajakis.

Hasse ahaatee wararka ka soo baxaya dhinaca magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in fanaanka xabsiga la dhigay kadib markii laga waayay warqadihii ogolaanshaha uu magaalada ku soo galay, taasoo keentay in go’aaan lagu gaaro in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii uu ka soo safray.

Ugu danbeyntii, Majaajiliste Ajakis oo siweyn looga garanayo deegaannada looga hadlo afka Soomaaliga ayaa caan ku ah barnaamijka faaliyaha Qaranka ee ka baxa TV-ga Unversal oo dadku u arkaan in uu yahay barnaamij lagu madadaasho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]