4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Dab qabsaday dhismayaal ganacsi oo ku yaala Suuqa Bakaaraha

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) – Wararka xiligan ka soo baxaya suuqa weyn ee Bakaaraha oo ayaa sheegaya in dab uu ka kacay dhisme ganacsi oo ku yaala qeybta Cabdalla Shideeye, kaasoo ku sii fidaya qeybo ka mid ah suuqa.

Dabka oo aan la ogeyn sababaha keenay in uu kaco ayaa waxaa soconaya dadaal weyn oo loogu jiro sidii loo damin lahaa, isaga oo u sii gudbaya dhismayaal ganacsi oo ka agdhaw goobta uu markii hore kacay dabka.

Goob jooge ku sugan suuqa ayaa warbaahinta u sheegay in dabka uu ka kacay Bakhaaro lagu iibiyo qaxwaha oo ku yaala qeybta Cabdalla Shidiye.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ramig ah ee ka dhashay dabka oo leysku dayayo in la damiyo, waxaana ku sugan agagaarka dhismayaasha gubanaya dadweyne u soo gurmaday oo ku howlan sidii ay uga badbaadin lahaayeen goobaha kale ee ganacsi.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]