4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2017
Puntland oo ku baaqday in la dadajiyo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

 Arbaco, Janaayo, 18, 2017 (HOL) Maamul gobolleedka Puntland ayaa u soo jeedisay golayaasha baarlamaanka in si dhaqso leh loo guda-galo doorashada madaxweynaha oo ay dib u dhac badan ka muuqato.

Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland, Xusseen Yuusuf oo dardaaran u diray baarlamaanka wuxuu sheegay dalka inuu ku jiro marxalado adag loona baahan-yahay xilli hore in la qabto doorashada madaxweynaha.

“Dalka waxaa uu ku jira marxalado adag,waxaan baarlamaanka ugu baaqaya in la dedejiyo doorashada madaxweynaha,”ayuu yiri guddoomiye,Xuseen Yuusuf .

Sidoo kale,guddoomiye ku-xigeenka wuxuu ka hadlay abaaraha ka jira dalka,isagoo usoo jeediyay shacabka in si wada-jir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu danbeyntii, baaqan ayaa ka soo baxa Puntland xilli la filayo mar kale doorashada madaxweynaha inay dib u dhacdo oo bisha ina soo aadan dhammadkeeda gaarto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]