4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Maamulka degmada Dherkeenley oo soo bandhigay nin ku eedeysan dilka xildhibaan hore

 Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) –Maamulka degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay muuqaalka nin dhalinyaro ah oo ku eedeysan in uu maalin ka hor ku dilay degmada xildhibaan hore oo lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Qaasim Mursal.

Ninka la soo bandhigay oo da’ahaan lagu qiyaasay 27-sano jir ayaa magaciisa lagu sheegay Saalax Maxamed Abuukar ayaa lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay gudaha degmada Dharkeynley sida au sheegeen saraakiisha laamaha amaanka degmadaas.

Maamulka degmada Dharkeynley ayaa sheegay in ninkan ay u gacan gelinayaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka Soomaliya si ay ugu fuliso xukun.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ee degmada Dharkeynley ayaan wax faahfaahin ah ka bixin qaabka ay u soo qabteen ninkan dhalinyarada ah balse waxa ay sheegeen inay hayaan cadeymo ku aadan in ninkan dhalinyarada ah ka dambeeyey dilka xildhibaankii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]