4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Qaar ka mid ah Cuqaal iyo Waxgaradka gobolka Sool ayaa dhaliilo u soo jeediyey maamulka Somaliland

Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) -Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saareen kulan uga socdey Hotel Xamdi waxa ay ku dhaliileen maamulka Somaliland wax ka qabashada xaaladda colaadeed ee ka jirta Koonfurta gobolka, Shirsaxaafadeedkan ayaa cuqaashu waxa ay ku sheegeen in heshiisyo ay la galeen Somaliland dhamaadkii sanadkii aan soo dhaafnay oo ka dhacay Awrboogays iyo Adhicadeeye oo gobolka Sool ka tirsan aan waxba ka fulin dibna ay uga tashanayaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in Somaliland ay joojisey Keybalka Internetka oo Shirkadda Golis soo gaadhsiin lahayd magaalada Laascaanood, kaas oo ay ku sheegeen in uu yahay curyaamin bulshada ah
dhinaca horumarka.

Cuqaasha Halkaasi ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Axmed Cabdi Gaas iyo Caaqil Maxamuud Askar waxay si weyn ugu dheeraadeen xoriyada ganacsiga iyo sidii looga filaayey Somliland in ay dhiirigeliso oo ay tilmaameen in ay iska baalmartay dadna koonto ugu xidhay in ay faa’idaan keligood.

Dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa si weyn ay ugu dheeraadeen gaabiska waxyaabihii Somaliland looga baahnaa oo ay sheegeen in aysan ka muuqan iyadoo qodobada shirkaasina ay ka mid ahayd in 15 bishan shir laysugu yimaado.


Warsaxaafadeedkaas ayaa waxa uu qoraa sidatan

Ku: Dhamaan Garaadada maxamuud Garaad mid jooga iyo mid maqanba.
Ku: Dhamaan Cuqaasha maxamuud garaad ee ku sugan gobolada, sool,
Sanaag , xaysimo.
Ku: Dhamaan wax garadka Beesha , Culimo iyo Codkar kaleba.
Og: Beelwaynta Dhulbahante ,Fiqi-shini iyo Gabooye


1. Waxay si mug leh Beelwaynta Maxamuud Garaad u dhaliilsan tahay fulinta heshiisyadii is-daba jooga ahaa ee ee lagu kala saxeexday Awrboogays iyo Adhicadeeye kuwaas oo dhaxmaray beelwaynta Maxamuud garaad iyo xukuumada Soomaliland oo aanay waxba ka qabsoomin wixii lagu heshiiyey iyada oo loo tiirinayo inay waxba ka socon waayeen dhanka Xukuumada Soomaliland iyo xisbiga Talada haya ee Kulmiye.



2. Heshiisyadii dhexmaray Beesha Maxamuud Garaad iyo xukuumada talada haysa waxaa ka mid ahaa dhiiri gelinta Ganacsiga iyo maalgashiga si dadka deegaanku u maalgashadaan dalkooda loona sameeyo dhiirigelin, cashuur dhaaf iyo fududayn, halkii aan taas ka suganay xukuumada Soomaliland iyo xisbiga talada dalka haya ee kulmiye waxay noogu abaalgudeen in xanibaad la saaro shirkadihii dadku hore u maalgashaday ee ummaada u hayey adeega, waxaana ciidamada soomaliland xoog ku hor istaageen xadhiga Enternet-ka ee shirkada Golis Telecom ee ku socday Laascaanood, taas oo kicisay dareen wayn loona arkay burburin hantiddii dadka deegaanka iyo shaqo joojin shaqaalihii ka shaqaynayey, dalkana koonto loogu xidhay nin keliya. Waxayna tixgelin waayeen shirarkii dareenka umaadda ka turjumayey ee 27 ilaa 31/12/2016 bulsha waynta gobolka ee ay hogaaminayeen isimadu kala yeesheen madaxdii uu hogaaminayey Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye(Muuse Biixi), kana midka ahaayeen, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiru Dawlaha Beeraha.waxayna balan qaadeen inay tixgelinayaan dareenka bulsho weynta Gobolka hawshaas jawaab degdeg ah ka bixinayaan oo bulshadu ku qanacdo muddo kooban ilaa hadana aan wax jawaaba lagama hayo Xukuumadda somaliland.

3. Waxaa deegaanka G/Sool ka dhacay colaad aad u wayn taas oo dhexmartay laba beelood oo walaala ah taas oo ay ku nafwaayeen ku dhowaad 100 qof intaas in kabada ku dhaawacmeen keentayna marakac baahsan oo dad iyo duunyoba leh, gaadhayna in laysla soo galo magaalada Laascaanood oo laga seexan waayey rasaasta dhacaysa, ilaa hada way ku guul daraysatay in xukuumada soomaliland dhamayso colaads waxaanuna aaminsanahay inaan Xukuumada ha talada haysaa siin miisaankii ay lahayd xal u helida colaadaas ka taagan Koonfurta Gobolka Sool.

4. Ka dib markii ay ku fashilantay xukuumada soomaliland ee hada talada haysa wax ka qabadka qodabada aan kor ku soo xusnay waxaa la go’aanshay shirwayne beesha Maxamuud Garaad ah, kaas oo lagu qaban doono magaalada Laascaanood, 15/03/2017 oo beeshu kaga tashanayso Aayaheeda kuna ee eegayso arimaahas oo dhan.

Magacyada saxiixayaasha bayaankan.


1. Chief Caaqil Maxamuud Askar Jaamac
2. Chief Caaqil C/rashiid Cabdi Cilmi
3. Chief Caaqil Axmed Cabdi Gaas
4. Caaqil Axmed Maxamuud ( Sanbalooshe)
5. Caaqil Shiine X Cali Shire
6. Wakiil Caaqil Jaamac Maxamed xasan falaalug
7. Wakiil Caaqil Cumar C/kariin Xasan Saalax
8. Cabdi Axmed Cabdi Gaas
9. Siciid Maxamed haariye
10. Cabdi Maxamed Cawil (quduf)
11. Cabdi Geele Cimi shini
12. Cali ciise tobanle
13. Warsame saleebaan cali (qamandi)
14. Jaamac Cali Xaashi
15. Axmed maxamed maxamuud ( Wargaf)
16. c/salaan Mawliid Jaamac
17. Faarax ducaale Faarax
18. Aadam Warsame Ismaaciil ( Carjaaqe)
19. Maxamed maxmuud cilmi jiidhe
20. c/kariim Calinuur Maxamed


Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool