Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu furay mashruuca sanadla ah ee JPLG-ga Dawladaha hoose Somaliland
Talaado,Febraayo
,28 , 2017 (HOL) – Madaxwayne Ku-xigeenaka Somaliland ahna kusimaha
Madaxwayanaha Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa
maanta furay mashruuca sanadlaha ah ee horumarinta dawladaha hoose ee
dalka ee loo yaqaano (JPLG) .
Mashruucan
oo sanadkan 2017 ay soo qaban qaabisay Hay'ada UN Habitat ayaa lagu soo ban
dhigay kharashka ay sannadkan u qoondeeyeen dawladaha hoose ee dalka isagoo
kharashkanina ka badan yahay kii sannadkii hore .
Afhayeen
u hadlayay hay'ada UN-Habitat ayaa sheegay in Mashruuca JPLG-gu yahay mashruuc
faa'ido tiro badan u leh guud ahaan Somaliland isagoo xusay in
dhankeedana Somaliland ay si wayn ugu guulaysatay hab nidaameedka shaqo ee
mashruucan isagoo ugu baaqay dalalka gobolka iyo hay'adaha Caalamiga ahba inay
wax ka bartaan Somaliland.
Madaxwayne
Ku xigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Somaliland oo isagu
mashruucaasi furay ayaa sheegay in mashruucani faa’iido badan u leeyahay
degmooyinka uu ka socda iyo shacabka ku nool.
"Waxaan
u mahad celinayaa shanta ha'yadood ee ku midoobay mashruucan,Ilaahay mahadii
maanta waxa ay noo soo gudbiyeen miisaaniyad sanadeedka 2017-ka taas oo aynu
wax kaga qaban karno baahiyaha ay dawladaha hoose soo qorteen,iyadoo aynu kala
horaysiinayno baahiyaheena oo ay kaw ka tahay dib u dhiska dawlaha hoose iyo
maamuldaadajinta maadama sannadkanu yahay sannadkii u danbeeyay ee wajigii
labaad afartan degmo ee ay hawshu ka socoto mashruuca saddexaad ee (Face Three)
waxa aynu awooda saari doonaa labada Gobol ee aanu gaadhin mashruuca JPLG-gu ee
Sool iyo Sanaag sidaa awgeed anigoo ku hadlaya afka dawlada waxaan deeq
bixiyayaasha ka codsanayaa inay tix geliyaan baahiyaha ay dawlada hoose noosoo
gudbiyeen, dawlada dhexena miisaaniyada ayay ugu dartay wixii kaga soo hagaagay
mashaariicdan "ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Ku simaha
Madaxwayanaha.
Mashruucan
JPLG-ga ayaa ah hay’adaha UN-ta ku caawiyaan dawladaha hoose ee Somaliland,isla
markaana maamul daadajin lagu sameeyo hawlaha dawladaha hoose u qabtay
shacabka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland