4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo magaacaabay la taliyihiisa dhinaca arimaha bulshada

 Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay la taliyihiisa u qaabilsan dhinaca arrimaha bulshada qof dumar ah.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikheysneyd 26-ka bishan, ayaa lagu magacaabay Caa’isha Abukar Qaasim.

Haweeneydan ayaa sidoo kale madax ka noqotay xafiiska xiriirka arrimaha bulshada madaxtooyada.

Akhriso wareegtada madaxweynaha

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]