4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay

 Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) –Gudiga doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegay in 21 Maarso la qabanayo doorashada, kadib markii uu is casilay dhawaan madaxweynihii maamulka Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Gudiga ayaa sidoo kale sheegay in uu soconayo wada hadal u dhaxeeya iyaga iyo mas’uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna oo la filayo sida ay hadalka u dhigeen in ay ka qeybgallaan doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.

Cabdikariin Xusseen Guulleed oo dhawaan si rasmi ah u sheegay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha ayaa arintaa ku micneeyay sababo caafimaad, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyayba waxaa jiray khilaaf xoog leh oo ka dhashay go’aan qaar ka mid ah xildhibaannada maamulka ka qaateen madaxweynaha iyaga oo sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]