4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirweyne looga hadlayay abaarta Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

 

Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa furay shirka gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee u dhaxeeyey beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Sooomaaliya.

Madaxweynaha oo furay shirka gurmadka abaaraha, ayaa kudbaddiisa uga hadlay khatarta abaarta ka jirta gobollada Soomaaliya iyo haddii aan wax laga qaban dhibaatada ka dhallan karta, madaxweynaha ayaa sheegay in halista ugu daran ay tahay haweenka iyo carruurta ay saameysay arrintaasi, isla markaana ay waajib ku tahay dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda beesha caalamka in si deg deg ah looga jawaabo oo gurmad la helo, abaarta waxa ay si la mid ah dadka u sameysay xoolaha iyo kaabayaashii kale sida biyaha iyo beeraha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka May ka dhici doona London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo in ay geyn dooni istaraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laa laabtay, waxa uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, madaxweynuhu waxa uu xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto, laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah nolosha bini’aadamka.

Shirka waxaa joogey dowlad gobolleedyada Soomaaliya, wakiilladii u hadlay ayaa ka war-bixiyey xaaladaha daran ee abaarta, wakiillada Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen in xaaladdu ay ku sii socoto Macluul meelaha qaarna ay dad badan ugu dhinteen.

Dhinaca kale wakiillada beesha caalamka, ayaa sameeyey ballan-qaadyo ay ku sheegeen in si deg deg ah loo fulinayo, ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha, ayaa ka warramay natiijada ka soo baxdey shirkii maanta ee gurmadka abaaraha Soomaaliya looga hadlayey.

Hey’addaha gargaarka ayaa sheegaya in illaa 600,00 oo caruur ah ay qatar ugu jiraan xaalad nafaqo darro, iyadoo loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah, dadka Soomaaliyeedna waajib gaar ah ayaa ka saaran gurmadkaan.

Ilaa bisha June xaaladda abaarta waxa ay gaari doontaa 5.5 Milyan, Q.M waxa ay sheegtay in ay dalbeed lacag dhan 825 Milyan oo dollar si gurmad dadka loogu gaarsiiyo haddan ay soo gaartay 75 Milyan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]