4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo shir guddoominaya kulan looga hadlayo abaarta ka jirta dalka

 Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir weyne heerkiisu sareeyo oo looga hadli doono xaalada abaarta ka jirta dalka Soomaaliya oo saameyn xoog leh ku yeelaneysa nolasha dadka iyo duuniyada intaba.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan shir guddoomin doona, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in ay ka soo qeybgalaan xubno ka kala socda dowlad gobolleedyada dalka, wakiilada beesha caalamka iyo hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya arimaha banni’aadanimada.

Kulanka ayaa gaar ahaan warbixin looga dhageysan doonaa Max’ed Cuma Carte oo ah guddoomiyaha gudiga abaaraha heer Qaran oo shirka ka hor jeedin doona warbixin la xiriirta xaalada abaarta  dalka ka jirta.

Shirkan oo ka dhacaya xarunta Xalane ayaa la filayaa in halkaa dhaqaale loogu yabooho dadka ay abaartu saameysay, gaar ahaan hay’adda calaamiga ah ee shirka ka qeybgali doona oo la filayo in ay soo bandhigaan qorshayaasha u degsan si wax looga qabto abaarta.

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaaro daran oo saameeyay dadka iyo xoolaha, waxaana deegaanada qaar gaajo iyo haraad ugu geeriyooday dad iyo xoolaba.

Hey’addaha gargaarka ayaa sheegaya in illaa 600,00 oo caruur ah ay qatar ugu jiraan xaalad nafaqo darro, iyadoo loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]