4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Faafaahin: Qarax Saaka ka dhacay Muqdisho

Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Nin Ganacsade ah ayaa geeryooday, kadib markii gaari uu watay oo lagu soo xiray waxyaabo qarxa uu kula qarxay nawaaxiga xarunta UNICEF ee degmadda Waaberi ee magaaladda Muqdisho

Goobjoogayaal ayaa Hiiraan Online u sheegay, in qaraxa xajmigiisa uu ahaa mid laga maqlay degmooyinka Waaberi iyo Xamar-jajab.

Ciidamada amaanka oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay ayaa bilaabay howlgallo amni xaqiijin ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay ninka ganacsadaha, ee ilaa iyo hada magaciisa aan la shaacin.

Shalay ayeey aheyd markii gaari qarax waday uu ku qarxay Ex-kontrool Afgooye, halkaasoo dhaawacyo ay kasoo geereen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Hassan Istiila