Cabdiwali Gaas oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan maamulka Puntland
Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka
Puntland oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka aloosan maamulkiisa ayaa
sheegay in xiliga Puntland u baahneyd khilaaf siyaasadeed, isaga oo sheegay in
mudadii uu maamulkiisu jiray wax badan la qabtay.
Xildhibaano ka tirsan dowlad gobolleedka Puntland ayaa
sheegay in ay u gudbin doonaan baarlamaanka mooshin ka dhan ah madaxweynaha,
taasoo xiisad siyaasadeed ka dhax abuurtay maamulka.
Madaxweyne Gaas oo hada ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa yiri “Puntland
waxay u baahan tahay Midnimo iyo Wadajir, uma baahna buuq, xasarad, uma baahna
nin dan leh inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay, iyadoo mid ah oo danteeda
raadsato, degenaansho, nabadgelyo iyo horumar”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.
Waxaa uu
intaa ku darray in xiligan aan loo baahneyn buuq siyaasadeed, islamarkaana taa
badalkeeda loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo hormar iyada oo la ilaalinayo
sharuucda iyo nidaamka u degsan maamulka.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Puntland ayaa wajahayay
kacdoono uga imaanayay siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada, iyadoo lagu eedeeyay
inuu ku fashilmay wixii loo igmaday, xaalada xilligan ka jirta Puntland aysan
waligeed soo marin, isla markaana uu ka jiro musuq maasuq iyo waxqabad la’aan
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]