4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 28, 2017
Goormaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre la hor geynayaa Barlamaanka ?

 

Talaado, Feberaayo, 28, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa berri oo Arbaca ah lagu wadaa in uu hor tago Baarlamaanka Soomaaliya si uu u weydiisto codka kalsoonida.

Mudane Xasan Cali, ayaa rajo weyn ka qaba codka kalsoonida in uu ka helo sharci-dejiyaasha dalka, sida ay falanqeyayaasha siyaasada Soomaalida ay ku doodayaan.

Barlamaanka Soomaaliya, ayaan horay looga baran in ay celiyaan Ra’iisal wasaare uu madaxweyne soo magacabay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa uu Xasan la kulmayay qaar badan oo ka mid ah Mudanayaasha Barlamaanka oo uu ka dalbanayay in ay taageraan magacaabistiis.

Xasan oo mudo kasoo shaqeyay arrimaha gar-gaarka iyo dhinacya kale, ayaa la fahansanyahay in ay u suuragelisay in loo magacaabo Ra’iisal wasaare, waxaana looga fadhiyaa in uu samatabixiyo umadda Soomaaliyeed haddii uu codka kalsoonida uu helo.

 
Hassan Istiila