Sabti, Feberaayo, 25, 2017 (HOL) - Koox hubeysan ayaa caawa waxaa ay xaafadda Cali Kamiin ee degmadda Warta-Nabada ku dileen Nabadoon Cusmaan Khayre, oo ka mid ahaa Ergadii wax ka dooratay xildhibaanaddii laga soo doortay Magaaladda Cadaado.
Dableeydii hubeysneed ayaa goobta isaga baxsatay weerarka kadib, sida dadka deegaanka ay shegeen.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta gaaray ayaa la sheegay in ay howgallo ka bilaabeen xaafadda.
Hassan Istiila
[email protected]