4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 25, 2017
Shisheeye nacaybkii oo mar kale dib uga bilowday Koofur Afrika

Sabti, Febraayo 25, 2017 [HOL]-Shisheeye nacaybkii ama nacaybka ka dhanka ah soo galootiga ayaa dib u soo labo kacleeyay ama  mar kale dib uga bilowday Koofur Afrika-South Africa.

Weeraro iyo dibad baxyo Koofur Afirkaan ay wadaan ayaa socda. Biliiska dalkaa ayaa xabadaha cinjirka ah ku riday dibad baxeyaal caasimada dalkaa ee Pritoria.

Sidoo kale ayaa boolisku ku riday sunta dadka ka ilmeysiisa.  Rabshado iyo dagaalo u dhexeeya soo galootiga Soomaalidu ku jirto iyo dadka South Africa ayaa ka socday shalay Jimcihii caasimada Pretoria.
 
Soomaalida ayaa in badan lagu dilayay dalkaa ayadoo sanadkiiba lagu qiyaasay in ilaa 100 ruux oo Soomaali ah dalkaa lagu laayo.

Si kastaba haatan ayay Soomaalidu wacad ku martay inay is difaaci doonaan hadii lasoo weeraro ayaga iyo hantidooda.
 
Koofur Afrikaanka ayaa hadba cudur daar u raadiya weerarada ka dhanka ah ajaaniibta gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Afrikaanka ah.
 
Waxay sheegaan inay qabtaan shaqooyin ay ayagu qaban lahaayeen iyo ganacsiyo ay ayagu ka shaqeysan lahaayeen.

Haatana ayay sheegayaan in dukaamada ajaaniibtu noqdeen guryo dhillooyin iyo meelo lagu isticmaalo daroogada, waa sida ay ku andacoodeene. 

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sheegay in shaqo la'aan heysa in badan oo dadka reer Koofur Afrika ah ay u sabab tahay dibadbaxyada iyo rabshadaha dhiiggu ku daato dadkana lagu laayo.

Riwaayad kale ayaa sheegaysa in dadka reer Koofur Afrika aysan ayagu jecleyn inay shaqeystaan balse hadana ay ka maseyraan markii ay arkaan dad dadaalaya oo shaqeysanaya.

Muhaajiriinta haatan sida ba'an ay Koofur Afrikaanku u bartilmaansanayaan ayaa waxaa Soomaalida ka sokow kujira Zimbabwean, Nigerian iyo Pakistani.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]