4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2017
Wakiilo ka kala socda in ka badan 120 dal oo ka qeybgalay munaasabadii caleemo saarka madaxweyne Farmaajo

 Arbaco, Feberaayo, 22, 2017 (HOL) - Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka soo qeybgalleen madax ka kala soctay wadamada dariska ah iyo beesha caalamka inteeda kale.

Madaxda ka qeybgasha munaasabada caleemo saarka islamarkaana khudbadaha ka jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dalka Kenya dalka Kenya Uhuru Kenyatta, mdaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ra’iisul wasaaraha Itoobiya, madaxweyne ku-xigeenka dalka Suudaan, wakiil ka kala socday wamada carabta, midowga Yurub, Mareykanka iyo safiirada wadamada danbeeya arimaha Soomaaliya.

Guud ahaan marka la eego madaxdii ka qeybgashay ayaa la sheegay in ay ahaayeen wakiil ka kala socday ilaa 120 dal oo caalamka ah.

Khudbadaha mas’uuliyiinta ayaa dhamaantood la xiriira is badalka dhinaca hogaanka ah ee ka dhacay Soomaaliya, iyaga oo si gaar ah amaan ugu jeediyay madaxweynayaashii isaga danbeeyay tallada sida dimuquraadiyada laheyd oo ay xilka isugu wareejiyeen, iyaga oo arintaa ku tilmaamay mid cashar gaar ah u ah wadamada qaarada.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu u mahad-celinayo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in sugidooda amniga ay suurto-gelisay inay doorasho dalka ka qabsoonto.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka shaqayn doonto xoojinta amniga, dib u heshiisiinta, iyo shaqa abuurka dhallinyarada.

Waxaa uu sidoo kale ballanqaaday in ay xiriir wanaagsan la samayn doonaan shacabka Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladdiisu tahay dowladda shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qabaan rajo aad u sarreysa, balse xaqiiqdu ay tahay in wax walba aan lagu qaban karin afarta sano ee uu madaxweynaha yahay, sida uu sheegay.

Waxaa uu sheegay in Soomaalida laga faafiyay aragti aad u xun oo ah in ay yihiin dad musuq maasuq badan oo ay kaalinta ugu hooseysa ka galeen qiimeynta dowlad wanaagga dunida, hase yeeshee uu doonayo in Soomaaliya ay kaalinta koowaad gasho.

Ugu danbeyntii, waxa uu balanqaaday in dib usoo celiyo sumcaddii iyo magacii ay Soomaaliya ku lahayd dunida.

Marka laga soo tago madaxweynaha la caleemo saaray waxaa sidoo kale munaasabada khudbado siweyn u soo jiitay ka qeybgalayaasha ka jeediyay madaxweynayaashii ka horeeyay ee Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]