4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2017
Aqlabiyadda Saxafiyiinta Somaliland oo ka hor yimid shirweynaha ururka SOLJA

 

Jimco,December, 29, 2017 (HOL)- Aqlabiyadda wariyeyaasha ka hawlgalla Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeestay shirweynaha lixaad ee ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo maalinta Barri shirkooddu ka dhacayso magaaladda Hargeysa.

Wariyeyaashan ayaa shirweynaha lagu dooranayo hogaanka ururka iyo guddida fulinta ku tilmaamay mid ay kooxi wadato.

Sidoo kale, wariyeyaashan qaadacay shirweynaha ayaa sheegay in ururkii saxaafaddu ay la wareegeen mulkiileyaasha xarumaha warbaahinta,isla markaana ay iyagu doortaan hadba kooxda hogaanka la wareegaysa.

“ururka Saxaafadda ee SOLJA waxay noqotay mid koox dano gaar ah leh wadato,isla markaana kooto ka dhigtay doorashaddii ururka, ma rabaan inay cid aan iyagu wadan isa soo sharaxo,  cid ka hor timaadana ma ogola”sidaas waxa ku dooday Xasan Qamaam oo ka mid ah wariyeyaasha ka soo horjeedda shirweynaha.

 

Si kastaba ha ahaatee, shirweynahan ururka SOLJA ayaa la sii ogyahay cidda hogaanka ka mid noqon doonta iyo cidda gudoomiyaha noqonaysa, waxaana la doonayaa in maalinta doorashadu dhacayso si jamac ah loogu codeeyo hogaanka fulinta ee SOLJA yeelan doonto.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.