4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2017
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u soo celineyso adeeggii Somalia Airline

 

Jimco, December, 29, (HOL) –Wasiirka duulista hawaada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaal ay Wasaaraddu wado, kuwaasi oo dib loogu soo celinayo adeegyo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Oomaar oo marti ku ahaa barnaamij ka baxayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay haatan wadaan qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegii Shirkadii Soomaali Airline oo ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaasi oo horey u socday islamarkaana uu meel fiican marayo, isagoo xusay in daraasaad ay sameeyeen ku ogaadeen qaabka ay u shaqeeyaan diyaaradaha watay calamada dowladaha, dhawaana ay si rasmi ah u soo celin doonaan adeegyadii ay bixin jirtay shirkadii Soomaali Airline.

“Garoonka diyaaradaha Muqdisho waa garoon caalami ah, hadda waxaa ku soo dega duulimaadyo caalami ah sida Turkish Airline iyo Jabuuti, Kenya Airways ayaa la filayaya in ay dhawaan duulimaadkeeda Muqdisho bilowdo, wuuna socda qorshahaasi” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Dhinaca kale waxaa uu soo hadal qaaday baahiyaha loo qabo in la ballaariyo garooMada diyaaradaha ee ku yaala dhamaan dalka, isagoo xusay in ay wadaan qorshahaasi ku aadan dib u dhis lagu sameeyo si duulimaadyo caalami ah ay u yimaadaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadad Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/laahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dib u habayn lagu sameyn doono adeegyada dhanka Gaadiidka, si loo ogaado gaadiidka habka ay u shaqeeyaan lana is waafajin doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]