4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2017
Madaxweyne Farmaajo fariin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, December, 29, 2017 (HOL) –  Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya mar kale cafis u fidineyso haddii ay isa soo dhiibaan dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan Al-shabaab heli doonaan nolal wanaagsan haddii ay isaga baxaan falalka ay ku guda-jiraan isaga oo sidoo kale ku baaqay in ay ka faa iideystaan fursada ay dowlada Soomaaliya siisay

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta waxaana fursada dowladda ka faa’ideystay dhalinyaro badan iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]