4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 29, 2017
Tarsan : Baarlamaanka Soomaaliya shaqadii loo soo doortay ma hayo

 

Jimco, December, 29, 2017 (HOL) – Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah La taliye sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xildhibaanada baarlamaanka inay cabsi gelin ku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Tarsan, ayaa sheegay in Boqolkiiba Sagaashan waqtigii Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaruhuba uu ku baxayo Baarlamaanka, isagoona su’aal ka keenay waxa markii horeba loo soo doortay baarlamaanka.

“Waqtiga Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha 90% waxaa qaata xildhibaanada baarlamaanka halkii ay fursad ugu heli lahaayeen inay bulshada u adeegaan,”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarzan.

Waxaa uu ku eedeeyay Baarlamaanka Soomaaliya in uu ku jiro ganacsi siyaasadeed ''Baarlamaanka shaqadii loo doortay ma hayo waxaa ku jiraa ganacsi siyaasadeed'' ayuu yiri Tarsan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ee sanadkan 2017da.

Tarsan ayaa ugu danbeyntii ku eedeeyay Garsoorka dalka kuwa aan lagu kalsoonaan karin oo sida uu hadalka u dhigay ka shaqeysanaya hantida Ummada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]