4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2017
Rodol “waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaan marna ogolaan doonin Somaliland in hawadeeda meel kale laga maamulo”

 

Khamiis,December, 28, 2017 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga hadashay hawadda Soomaaliya sheegtay inay la soo wareegtay.

Maareeyaha wakaaladda Hawadda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in arrintaasi hawadda sare ee laga heshiin ay khatar galin doonta hawadda sare, waxaanu u baaqay in dalalka dariska ah iyo UN-tu arrintaasi hoos u eegaan.

“Dawlada Soomaliya waxay sheegtay in hawaddii Soomaaliya iyo Somaliland ay la soo wareegtay, iyadoo laga wadatashan lagana heshiin arintaasi, sida ku xusan heshiishyadii Turkiga  dawladaha Somaliland iyo Soomaliya kala saxeexdeen”ayuu yidhi maareeyaha Wakaaladda Hawadda Sare Rodol.

Waxaanu intaas ku daray “Heshiishyaddii Somaliland iyo Soomaaliya ku kala saxeexdeen Turkiga ciddii burisa waxay khalkhal iyo jahawareerka ka dhasha masuuliyadeeda dusha ka fuuli doonta cidda heshiishkaasi ka baxday oo ah xukuumada Soomaaliya, waxaanu ugu baaqaya UN-ta iyo dawladaha dariska iyo cid walba oo danaynaysa nabadgalyada iyo hab usocodka duulimaadyada mandaqada waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaan marna ogolayn doonin Somaliland in hawadeeda meel kale laga maamulo”

Dawladda Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho ku qabatay xaflad ay ku shaacisay inay la wareegtay hawaddii Soomaaliya, haseyeeshee xukuumadda Somaliland ayaa aad uga soo horjeesatay arrintaasi.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.