4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2017
Degmooyinka gobolka Gedo oo loo dhisayo Ciidamo Boolis ah


Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) – Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta isugu yimid kulankoodii Khamiislaha aha ayaa waxay uga hadleen arimo kala duwan, oo ay kamid tahay sidii ciidamo boolis ah loogu dhisi lahaa degmooyinka gobolka Gedo, iyo weliba in dib u habeyn lagu sameeyo wasaaradaha Isboortiga iyo Haweenka ee Jubbaland.

Kulanka golaha wasaa shir gudoominayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, waxaana intii uu socday warbixinno laga dhageystay qaar kamid ah wasaaradaha.

Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland Mudane C/nuur Cali Aadan oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu shirku soo idlaaday ayaa sheegay in arimihii shirka looga hadlayay ay qeyb ka tahay sidii degmooyinka gobolka Gedo loogu sameeyn lahaa ciidamo Boolis ah, arrintaa oo uu sheegay in goluhu isku raacay, la iskuna afgartay in si degdeg ah howshaan loo fuliyo.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale goluhu warbixinno ka dhageysteen wasiirada wasaaradaha Isboortiga iyo haweenka ee Jubbaland, kuwaa oo uu sheegay in ay soo bandhigeen waxyaalihii u qabsoomay.

“Qodobada looga hadlay kulanka waxaa kamid ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo wasaaradaha Isboortiga iyo haweenka,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.
Shirka Khamiislaha ee golaha wasiirada Jubbaland ayaa inta badan diiradda lagu saaraa dhacdooyinka ugu waaweyn ee ka jira Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.