Madaxweyne Farmaajo : waxaan badalnay dhaqansiyaasadeedkii hore ee dhibaatada u keenay dalka
Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu badashay dhaqansiyaasadeed
horay u jiray oo dhibaato u keenay sida uu hadalka u dhigay shacabka
Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa maanta xariga ka jaray xarunta laga maamuli doono Hawada
Soomaaliya oo muddo dheer laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan bedelnay dhaqan siyaasadeedkii horay u jiray, wax alla wixii khilaaf
ee dowladda dhexdeeda ahaa in la joojiyo, waxaa ognahay in wixii sanad walba jiri jiray, dowladda dhexdeeda waa ka
ilaalinay Khaliaaf, anaga ugu horeeyo iyo ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa inaba wax
haba yaraatee wax is qab qabsi ah, taasna waa bedelnay, umadda Soomaaliyeed
waxaa u sheegeynaa inaan wax ka bedelnay wixii horay u dhacay ee dhibaatada in oo
keenay”ayuu yiri Madaxweynaha.
Wuxuu sheegay in ay diiradda saarayaan sidii loo
xoojin lahaa Dimoqraadiyadda, Dastuurkana loo dhameystiri lahaa, si loogu
diyaar garoobo in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020 doorasho qof iyo cod ah,
taasoo uu xusay in aaminsan yahay in la gaari karo.
Khudbada madaxweynaha ayaa imanaya xili dowladda ay wajaheyso mucaaradad
xooggan oo uga imanaya siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo
ku dhaliilaya in ay baalmareen sharciga iyo dastuurka dalka u yaala.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]