4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2017
Daawo Sawirada munaasabad xarigga looga jaray xarunta maamulka Hawada


Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow xarigga ka jaray xarunta laga hagi doono Maamulka Hawada Soomaaliya oo burburkii dowladda dhexe kaddib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Kormeer ku sameeyay qalabka laga hagi doono Maamulka Hawada, isagoo boggaadiyay howsha socotat.

Madaxweynaha ayaa mar loo dhiibay qalabka isgaarsiinta ee laga hago diyaaradaha ku jira Hawada Soomaaliya, isagoo la hadlay diyaarado hawada ku jiray.

Waxaa Munaasabadda ka qeyb galaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanada labada Gole, Madaxweynaha Galmudug, marti sharaf kale, qeybaha bulshada iyo madax ka socota Hey’adda ICAO.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]