4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2017
Dowladda Soomaaliya oo laga dalbaday in ay fargaliso Xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo

 

Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda labada dal, ay gudaha u soo gelisay qaybo ka mid ah degmada.

Arrintan, ayaa ka careysiisay bulshada ku dhaqan Degmada Baled Xaawo, waxayna maalmihii la soo dhaafay dhigeen Dibadbaxyo rabashado wata, waxaana jiray isku dhacyo dhaxmaray iyaga iyo ciidamada Kenya.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray degmada Beled-Xaawo, ayaa kula kulmay Maamulka Degmada iyo qaybaha bulshada, waxaana uu u sheegay inaanan Kenya loogu dulqaadan doonin sida uu hadalka u dhigay Xadgudubka ka dhanka ah dhulka Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale waxaa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Beled-Xaawo in xasiloonnida ilaaliyaan kana fogaadaan wax kasta oo dhibaato keeni kara.

Wuxuu sheegay Wasiir Janan in muhiim ay tahay in shacabka ay isdejiyaan, islamarkaana dalka dowlad uu leeyahay, loogana dambeeyo wixii arrimahaasi ku saabsan, wuxuuna dowladda ka dalbaday in arrintan ay soo farageliso.

Kenya, ayaa kol hore sheegtay in xuduuda labada dal ay ka dhisi doonto darbi kala qaybiya, iyadoona tallaabadaasi ku sheegtay mid ay kaga hortageyso weerarada kaga imaanaya Ururka Al-Shabaab, balse waxaa muuqata in qorshaheedu uu sidaasi ka fogyahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]