Dowladda Soomaaliya oo maanta la soo wareegeysa maamulka hawada
Khamiis, December, 28, 2017 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi
ah daah fureysa qalabkii lagu hagi lahaa maamulka Hawada, oo dhawaan lagu rakibay Garoonka diyaaradaha
magaalada Muqdisho iyadoo qaban qaabada munaasabaddaas ay ka socoto Garoonka
diyaaradaha Aadan Cadde.
Madaxda dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay daah furaan qalabkan oo
suura gelin doona in lagu maamulo Hawada Soomaaliya illaa Badweynta Hindiya,
waxaana tani ay soo afjari doonaa muddo 20 sano ka badan oo Hawada Soomaaliya
laga maamulayay magaalada Nairobi, tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in
wixii maanta ka dambeeya magaalada Muqdisho laga maamuli doono hagida maamulka
hawada, si la mid ah sidii Nairobi looga maamuli jiray iyo si ka fiican.
Wasiirka ayaa sheegay in isbuucan bilowga ay bilaaban doonto, balse muddo
bil iyo bar ay isla shaqeyn doonaan Nairobi iyo Muqdisho, maadaama wadan kale laga
soo guurayo, waxaa uu xusay in qalabkii lagu maamulayay ee Nairobi uu ahaa mid
duug ah, isla markaana diyaaradaha marayay badweynta Hindiya ay dhib badan ku
qabeen.
Si kastaba ha ahaatee tallaabada lagu soo wareejinayo Maamulka Hawada
Soomaaliya ayaa noqonaya markii u horeysay muddo 27 sano ah, waana mid ka mid
ah guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya inay la soo wareegto maamulka Hawada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]