4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Maxkamada Racfaanka oo waqti kale u qabatay Kiiska Dacwada ka dhanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Arbaco, December, 27, 2017 (HOL) –Maxkamada Racfaanka maamulka gobolka Banaadir ayaa 03da bisha Janaayo ee sanadkan 2018 u qabtay dhageysiga Dacwada ka dhanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta loo madlanaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Maxamed ayaa ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir in ay gaarsiiyaan Siyaasiga muddada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

Akhriso Warqada ka soo baxday Maxkamada Racfaanka :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]