4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Gollaha Wasiirrada cusub ee maamulka Hirshabeelle oo la dhaariyay Sawirro


Arbaco, December, 27, 2017 (HOL) – Gollaha wasiiradda cusub ee maamul gobolleedka Hishabeelle ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu dhaariyay xarunta maamulka gobolleedka Jowhar, kaddib markii ay helleen codka kalsoonida baarlamaanka maamulka.

Gollaha Wasiiradda cusub ayaa lagu hor dhaariyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo ku-xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa soo dhoweeyay ansixinta Golaha wasiirada, waxaana uu uga mahad celiyay Baarlamaanka qaabkii ansixinta oo ka dhigeysa in golaha Wasiirada wixii hadda kadib ay u howl galana waajibaadkooda.

Sidoo kale madaxweyne Waare oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii lagu ansixinayay wasiirada ayaa ka hadlay arrimaha amniga iyo howlaha hor-yaala xukuumadda cusub.

Waxaa uu sheegay in dhowaan la bilaabi doono dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, sidoo kale uu socdo mashruuc lagu dhisayo Garoonka diyaaradaha Jowhar.

Waare ayaa ugu danbeyntii sheegay in maamulkiisa wax ka qaban doono ammaanka, isla markaana la isku furi doono waddooyinka isku xira deegaanada Hirshabeelle, waxaa uu soo dhoweeyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, taasoo uu xusay in ay si weyn u wiiqday awoodooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]