4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 27, 2017
Munaasabad lagu daah furayo maamulka Hawada Soomaaliya oo maalinta Berri ah lagu qabanayo Muqdisho

 

Arbaco, December, 27, 2017 (HOL) - Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cabdiraxmaan Kulmiye Xersi ayaa sheegay in maalinta Berri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo xarunta lagala socon doono maamulka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku guualysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hada gacanta ku heysay hay’adda ICAO.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la rakibay dhamaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, shaqaalo badan loo tababaro iyadoo Madaxda dalka ay kasoo qeyb gali doonaan Munaasabada Daah furka.

Wasiiru dowlada ayaa sheegay in talaabadan ay tahay guul usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, waxayna wax badan ka bedeli doontaa dhaqaalaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]